Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha dalka (dhegayso)

Dowladda oo sheegtay inay xadideyso Ajaanibta soo gasha dalka (dhegayso)

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo faahfaahin ka bixyey ahmiyadda shirka laamaha hay’adda uga furmay caasimadda Galmudug, ayaa sheegay in ay uga muhiimsan tahay isku xirka hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, si loo ogaado dhamaan dadka dalka kasoo galaya xuduudaha dhanka dhulka ah.

Sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen diiwaan gelinta ajaaniibta dalka soo galay, taasi oo qeyb ka ah dadaalada ay ku doonayaan in ay ogaadaan ajaaniibta soo gasha dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com