Dowlada Federaalka oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Dowlada Federaalka oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana dagaalkaas ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Dowladda Janeraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa in Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkii dhacay khasaaro xoogan, isla markaana ay ka dileen 17 Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Baay,kaas oo uu Magaciisa ku sheegay Cabdicasiis Isaaq Nuuroow ( Abuu Yaxye)

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka geeriyoodeen hal-sarkaal iyo sadax-askari,isla markaana Ciidamada ay weli degaanka deeynuunaay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka kala dhaceen degaannada deeynuunaay iyo Ceeljaale ee Gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com