Dowlada Federaalka oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Dowlada Federaalka oo sheegtay inay dishay saraakil ka tirsan Alshabaab

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo ku yaalla duleedka magaal

Warkii Xulashada Daljir iyo Axmed Sheekeeye Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Gaas iyo Shirka Tana Forum
Shariif Xasan oo Shir uga qaybgalaya magaalada Nairobi

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana dagaalkaas ka hadlay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Dowladda Janeraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa in Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalkii dhacay khasaaro xoogan, isla markaana ay ka dileen 17 Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Baay,kaas oo uu Magaciisa ku sheegay Cabdicasiis Isaaq Nuuroow ( Abuu Yaxye)

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka geeriyoodeen hal-sarkaal iyo sadax-askari,isla markaana Ciidamada ay weli degaanka deeynuunaay ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka kala dhaceen degaannada deeynuunaay iyo Ceeljaale ee Gobolada Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: