Wasaaradda Waxbarashadda Somaaliya oo shaacisay xiligu bilaabmayo Imataxanadka shahaadiga ee Gobalka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashadda Somaaliya oo shaacisay xiligu bilaabmayo Imataxanadka shahaadiga ee Gobalka Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay maanta ku shaacisay in 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir .

Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir .

Sidoo kale Wasraadaddu waxaa ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad .

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka .

Ugu dambeynti qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa arday lagu yiri waxaan idin rajeyneynaa guul iyo hormar dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com