Madaxweyne Farmaajo oo gudoomiyeey Shirki Amniga Qaranka

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo gudoomiyeey Shirki Amniga Qaranka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aala

Maxaad ka taqaana Taarikhda degaanka Yaka Yaka (dhegayso)
Madaxweynaha Jabuuti: ;”Waxaan ka cabsi qabaa in Baarlamaan uu Shabaab maamulo Soomaaliya lagu dhiso”
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Baaq u Diray Jaaliyadda Deegaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: