Beesha Gaaljecel ee Hawiye oo kasoo horjeesatay qaraar kasoo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaaliya

Beesha Gaaljecel ee Hawiye oo kasoo horjeesatay qaraar kasoo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaaliya

Qoraal ay maanta soo saartay beesha Gaaljecel ayaa looga soo horjeestay qaraarkii uu golaha shacabka soo saaray maalintii shalay aheyd ee ku aadaanaa in kuraaska ay hadda haweenka xubnaha ka ah labada aqal ee baarlamaanka ku fadhiyaan in doorashada soo socota ku tartamaan haween kaliya.

Dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo wax garadka beesha beesha Gaaljecel oo si deg deg uga wadatashtay ayaa cadeeyay in beesha Gaaljecel ay taariikh u leedahay tixgelinta, xaqiijinta iyo dhowrista doorka iyo qoondada haweenka ee ka qeyb-galka siyaasada laga soo bilaabo baarlamaankii KMG ahaa ee lagu soo doortay magaalada Carta ee dalka Djibouti oo ayna ugu dambeysay doorashadii dhacday sanadkii 2016 oo ay boqolkiiba konton (50%) xubnaha beesha ku matala labada aqal ee baarlamaanka waqtigiisa sii dhamaanaya ay noqdeen haween.

Beesha Gaaljecel ayaa sheegtay in ay mar waliba diyaar u tahay fulinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30% sidii horey u dhacday balse waxay gaashaanka u daruureen qaraarka golaha shacabka oo ay ku tilmaameen qaraar baarlamaan oo aan sharci ku fadhin (non-legally binding parliamentary resolution) kaasoo ka hor imaanaya qodobka 22aad ee dastuurka KMG ee JFS ee si buuxda u damaanad qaadaya xaqqa ka qeyb galka siyaasadda ee muwaadiniinta iyo qodobka 11aad ee isla dastuurka KMG oo qeexaya sinnaanta muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayagoo raaciyay in qaraarka uu sidoo kale uu ka hor imaanaya sharciga doorashada hadda dhaqan galka noqday.

Bayaanka kasoo baxay beesha Gaaljecel ayaa lagu sheegay in qaraarka baarlamaanka ee shalay kasoo baxay uu yahay mid aan cadaalad ku fadhin oo aanan marna u hiilineynin hanaanka dimuqraadiyaynta ay Soomaaliya ku hamineyso maadaama uu ka dhigayo in mudanayaasha qaar ay baarlamaanka xiga kusoo laabtaay ayagoon si dhab ah aan uga qeyb qaadan doorashooyinka si xor iyo xalaal ah oo waafaqsan sharciga doorashooyinka, balse uu yahay qaraar keenaya takooris, ku tumasho sharci iyo in si gooni ah loo ciqaabo beelaha Soomaaliyeed ee ku caanbaxay dhowrista qoondada haweenka.

Beesha Gaaljecel oo mudanayaasha ku matala labada aqal ee baarlamaanka ay kasoo galaan magaalooyinka Beledweyne, Jowhar iyo Kismaayo ayaa hoosta ka xariiqday in dhamaan beelaha Soomaaliyeed looga baahan yahay in si siman ay ku keenan qoondada haweenka ee boqolkiiba sodon (30%), ayadoo hogaanka beesha Gaaljecel cadeysay in aysan qaadi doonin ama aqbali doonin qoondo beel kale looga baahna in iyaga lasoo dulsaaro ama lagu qasbo ayadoo la og yahay in beelaha qaar aysan gabi-ahaan laheyn mudanayaal baarlamaan oo haween ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com