Wasiirka degaanka iyo Beeraha Puntland oo Covid-19 u geeriyooday

Wasiirka degaanka iyo Beeraha Puntland oo Covid-19 u geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo mudooyinkii u dambeeyey ku xanuun sanayay Muqdisho.

Wasiirka ayaa dhawaan laga keenay Magaalada Garoowe,waxaana sida la sheegay haayay xanuunka Coronavirus,iyada oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo u geeriyooday Cudurka COVID-19.

Horay ayaa waxaa Cudurka Coronavirus u geeriyooday wasiiro ka tirsanaa Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Shacab iyo dad kale,waxaana jira dad weli uu Cudurka haayo oo ku sugan muqdisho iyo gobolada dalka.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com