HomeUncategorized

NUSOJ oo cambaaraysay xariga Idaacad kutaal degmada Guri-ceel.

Muqdisho, Nov 15 2016--Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka Ciidanka Ahlu sunna ay ku xireen Radio Galgaduud oo ku yaalla Magaalada Guriceel.

Maxkamadda darajada koobaad ee Nugaal oo dil ku xukuntay nin ka tirsanaa Alshabaab, dilalna Puntland ka gaystay.
Madaxweyne Gaas oo Shahaadooyin Gudoonsiyay Arday Dhamaysatay Maamulka iyo Maaliyadda
RW Cumar oo ka Hadlay Geerida Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif

Muqdisho, Nov 15 2016–Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka Ciidanka Ahlu sunna ay ku xireen Radio Galgaduud oo ku yaalla Magaalada Guriceel.

War Qoraal oo ka soo baxay Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Idaacadda Risaala ayaa si kulul loogu cambaareeyay falka lagu xiray Radio Galgaduud.

NUSOJ ayaa sheegtay in ay ka xun tahay falkan lagu xiray Radio Galgaduud, waxaana ay ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Radio Galgaduud, sidoo kalena lagu soo celiyo qalabkii xarunta laga qaatay.

Ciidanka Ahlu sunna ayaa xalay abaare 10:00 Habeenimo waxa ay gudaha u galeen xarunta Radio Galgaduud uu ku leeyahay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana ay Hawada ka saareen Idaacadda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: