Maxkamadda darajada koobaad ee Nugaal oo dil ku xukuntay nin ka tirsanaa Alshabaab, dilalna Puntland ka gaystay.

Garowe, 18 Oct- Maxkamadda darajada koobaad ee gobolka Nugaal ayaa dil ku xukuntay C/hi Cabdulle Iimaan oo qirtay in uu ka mid ahaa ururka Alshabaab, isla markaana uu gaystay falal dilal iyo dhaawac ah oo uu ka fuliyay magaalada Gaalkacyo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan aw Cismaan ayaa radio Daljir u sheegey in dambiile C/hi Cabdulle Iimaan oo ka shaqayn jiray geerash ku yaalla magaalada Gaalkacyo uu qirtay in uu gaystay dilka C/salaam Cali Saylaan iyo Nabaddoon Nuur Waal, halka uu dhaawacay Yaasiin Cali Saylaan, dambiilaha ayaa sheegey in gaysashada fal dambiyeedka ay la wadaagayeen saddex nin oo kale kuwaas oo uu xeer ilaaliyaha guud sheegey in qabaa?illadooda iyo magacyadooda laga wariyay dambiilaha dilka lagu xukumay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan aw Cismaan waxa uu sheegey in dambiile Iimaan uu ka shaqayn jiray geerash ku yaalla magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu ka yimid koonfurta dalka Soomaaliya, lana soo qabtay kaddib markii ay ismaandhaafeen inuu dilayana ugu hanjabay dadkaas oo ay shaqo wadaag ahaayeen, taas oo kaddib qabashadiisa su?aalo ay waydiiiyeen maxkamadaha darajada koobaad ee gobollada Mudug iyo Nugaal uu intaba u qirtay gaysashada fal dambiyeedyada shirqoolka ah, sidoo kalena uu qirtay ka mid ahaanshihiisa ururka Alshabaab ee ay Puntland degaannadeeda fikir ahaan iyo ficil ahaanba ka mamnuucday.

Dambiileyaal kale oo lagu heley falal la xidhiidha dilal abaabulan oo ay gaysteen ayaa ay maxkmadda darajada koobaad ee Bari xukunno dil ah dhawaan ku go?aamisay.

Diiwaan wareedka Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com