Madaxweynaha Hiirshabeele oo kulan la yeeshay Xubno Beesha caalamka ka tirsan

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo kulan la yeeshay Xubno Beesha caalamka ka tirsan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare o ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka I

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo dhagax dhigay Waddooyin cusub (Sawiro)
War Murtiyeed hogaanka dhalinyarada Ssc Khaatumo 23 May 2023 laascaanood.
Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed (Daawo)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare o ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan dhinaca qadka Internet-ka ah la qaatay Xubno ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen wax ka qabashada cudurka Covid-19, qorsheynta nidaam doorasho oo ah ‘hal qof iyo hal cod,’ arima quseeya amniga, sidii loo dhisi isku duubnaan siyaasadeed iyo waliba xorriyadda Saxaafadda.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay fududeyeen Kulankaan dhex-marey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa haatan ku sugan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraanisaga oo halkaasi u tegay Arrimo la xiriira fatahaada Wabiga Shabeelle.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: