Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo dhagax dhigay Waddooyin cusub (Sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo dhagax dhigay Waddooyin cusub (Sawiro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) Ayaa daah-furay mashruuc lagu dhisayo wad

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq ( dhegayso)
MADAXDA PUNTLAND & JUBBALAND OO LOGU BAAQAY INAY YIMAADAN SHIRKA AFISIYOONE (daawo)
Guddoomiye Yarisow oo kormeeray xarunta Ciidanka Ilaalada Deegaanka ee Gobolka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) Ayaa daah-furay mashruuc lagu dhisayo wada laami ah oo isku xirta isgooska Siinaay iyo isgooska Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid.

Furitaanka mashruucan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti iyo guddoomiyaasha degmooyinka Warta Nabada, Yaaqshiid iyo Boondheere iyadoo dhismaha laamiga ah ee wadadani ay qeyb ka tahay barnaamijka Isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

Kusimaha Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cabdifitaax Axmed Cali ayaa ka mahadceliyay daahfurka mashruucani.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabada Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) waxa ay sheegtay in dhisamaha wadadani ay tahay mid si isxilqaan ah lagu dhisidoono.

Guudoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi galin Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir (Jakkti)ayaa kula dardaarantay bulshada gobolka Banaadir in ay kaalin ka qaatan horumarinta Caasimada

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu tilmaamay in wadadani ay noqon doonto midii sideedaad (8) oo uu maamulkiisa dib udhis ku sameen doono ismarkaana ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda si magaalada ay ula mid noqoto magaalooyinka dhigeeda ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: