HomeUncategorized

Maamulka koonfur Galbeed oo kahadlay dagaalkii Goof-gaduud.

Baydhabo, Oct 31 2016-Xukuumadda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kahadashay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo, kudhexmaray ciidanka Koonfur Galbeed iyo Alshabaab.

Puntland oo sheegtay inay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka kala xaajoodeen xannibaad ka qaadidii VOA.
Caawa iyo Daljir, Isniin Feb, 4-2013, Cabdi Xasan Rooble (Awoowe) _Daljir Garoowe.
Xero ciidamada dowladdu ku leeyihiin Muqdisho oo qarax lala beegsaday.

Baydhabo, Oct 31 2016-Xukuumadda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kahadashay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Goof-gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo, kudhexmaray ciidanka Koonfur Galbeed iyo Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed (Eelaay) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in ay xaqiijiyeen gacan ku haynta Goofgaduud, sidoo kalena khasaare lagu gaarsiiyay Shabaabka Dagaalkaasi.

Eelaay, ayaa sheegay in 4 kamid ah ciidanka Koonfur Galbeed lagu diley dagaalka labo kalena uga dhaawacmeen, sidoo kalen ay kudileen 8 kamid ah ururka Alshabaab.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Amaanka, si Shabaab looga guuleysto.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: