Jubbaland oo Xaqiijisay tiradda dadka laga helay COVID19

Jubbaland oo Xaqiijisay tiradda dadka laga helay COVID19

Jubbaland ayaa shaacisay Kiisas cusub oo ku saabsan Coronavirus laga helay magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Coronavirus ee Jubbaland ayaa sheegay in labo ruux laga helay COVID-19.

Waxaa uu sheegay hadda lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.

Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com