HomeUncategorized

DHEGEYSO-Qoyska wiil waalan oo Galmudug maxbuus Jubbaland ah ku sheegtay.

Galkacyo, Oct 25 2016--Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug kusoo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen inay kamid ahaayeen ciidanka Jubbaland kana barbar dagaalamayeen Puntland.

Beesha caalamka oo dhowaan Dubia kagga shiraya horumarinta Soomaaliya iyo Burcad-badeeda
Shirka 66-aad ee WHO oo Kuwayt ka Furmaya iyo Somaliya oo ka Qayb-galaysa

Galkacyo, Oct 25 2016--Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug kusoo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen inay kamid ahaayeen ciidanka Jubbaland kana barbar dagaalamayeen Puntland. 

Haddaba mid kamid ah saddexdaasi nin ayaa waxaa lasheegay inuu ahaa wiil saddex sano ku xanuunsanaa waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. 

Maryan Cali Xirsi oo dhashay Siciid Xuseen Xasan oo ah wiilka xanuusan iyo Siciido Xuseen Xasan oo ladhalatay Siciid ayaa Daljir u sheegay in wiilku xalay labo saac xaafadda ka tegey kahorna uu silsilad ugu xirnaa, Cabdirashiid Bashiir Maxamuud oo Garoowe jooga ayaa waraystay.

DALJIR WARAR SUGAN IYO WACAAL DARAY AH

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: