DFS oo qalab loogu talo galay ka hortaga COVID 19 ku wareejisay G/Banaadir, KGS & Jubbaland

HomeWararka

DFS oo qalab loogu talo galay ka hortaga COVID 19 ku wareejisay G/Banaadir, KGS & Jubbaland

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka gobolka banaadir iyo

Xubno kamid ah guddiga xalinta khilafaadka doorashooyinka oo Baydhabo u safray
MUQDISHO & HOOS U DHAC KU YIMID QIIMAHA KALUUNKA
Shaqo joojin lagu sameyeey guddoomiyihi ciyaaraha gobalka Sanaag

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa maanta ku wareejisay qalab loogu talo galay ka hortaga Cudurka Corona Maamulka gobolka banaadir iyo maamaul Goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Qalabka ayaa waxaa Dawladda Soomaaliya ugu deeqay Jack Ma Foundation.

Waxaana sidoo kale Maalinta beri ah ay qalabkale ku wareejin doontaa Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Wasiirada Caafimaadka dowladda dhexe , kuwa maamul goboleedka iyo maamulka gobolka banaadir ay magaalada muqdisho ku yeesheen kulan looga hadlayay sidii wadajir looga hartagi lahaa caabuqaan saameynta xoogan ku yeeshay Caalamka oo ay soomaaliya ka mid tahay.

guud ahaan kiisaska Cudurka Covid-19 ee dalkeyna Soomaaliya ayaa gaaraya sedex kiis sida dhawaan ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka, waxaana todobaadyadaan isi soo tarayay fariimaha wasaaradda oo ku aadan sidii bulshada loo gaarsiin lahaa wacyigelinta saameynta Cudurkaan Karoona Feyruska uu leeyahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: