Guddiga dhameystirka Xeerka doorashooyinka oo ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka

Guddiga dhameystirka Xeerka doorashooyinka oo ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka

Guddiga Wadajirka ah ee dhameystirka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Mas’uliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga iyo Wasaaradda ayaa ka wada hadlay arrimaha Muhiimka u ah dhameystirka Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo ay kamid yihiin afarta Xeer ee loo xil-saaray Guddiga Wadajirka ah,kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka Deegaameeynta Kuraasta.
2. Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka.
3. Xeerka Doorashada xubnaha labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolladda Waqooyi(Soomaaliland).
4. Xeerka xaquuqda metelaada gobolka Banaadir.

Xubnaha Guddigaan ayaa horey waxaa ay ula kumeen Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo xubno kale,iyada oo ay si caadi ah u wataan howshooda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com