AMISOM oo shaacisay inay xirtay Xaruntoodii ugu weyneyd ee Xalane

AMISOM oo shaacisay inay xirtay Xaruntoodii ugu weyneyd ee Xalane

Taliska AMISOM ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta ay xirtay xaruntooda ugu weyneyd ee Xalane, sababo la xiriira cudurka Coronavirus, kaddib markii dhowaan laga helay Qandaraasle u shaqeynayay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in muddo 30 cisho ah la joojiyay dhammaan dhaq dhaqaaqyadii iyo howlihii Xarunta Xalane.

Sidoo kale shaqaalaha ka howlgalayay Xerada Xalane ayaa la faray inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyadooda, kuna sugnaadaan goobahooda, si loo yareeyo faafida cudurka COVID-19.

Halkan hoose ka akhriso:-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com