Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Jabuuti

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray Jabuuti

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo maanta kasoo amba baxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkan Jamhuuriyadda Jabuuti.

Imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalkan, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudada uu dalkan joogo ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com