HomeUncategorized

RW Cumar,*General Goobaale wuxuu ahaa shaqsi qaranka u adeegayey*

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii bahalnimo ee maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wuxuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

AKHRISO-Gudiga qabanqaabada xafladda caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.
Maamulka iyo dadweynaha degmada Cagaaran oo wada dhismaha waddo isku xirta Cagaaran iyo Bursaalax.
3 qof oo ku dhaawacmay is rasaasayn maanta ka dhacday magaalada Buuhoodle.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii bahalnimo ee maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wuxuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.”

——-DHAMMAAD——-

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: