Maamulka iyo dadweynaha degmada Cagaaran oo wada dhismaha waddo isku xirta Cagaaran iyo Bursaalax.

Cagaran, Jan 25 ? Maamulka iyo dadweynaha degmada Cagaaran oo ka tirsan magaalada Galkacyo ayaa wada tallaabooyin wax ku ool ah oo ay ku hirgalinayaan waddo dheer oo isku xirta deegaanka Beesha Cagaaran iyo Bursaalax oo ka tirsan gobolka Mudug.

Tallaabadaan oo ay mid ay hindiseen maamulka iyo dadweynaha Beesha Cagaaran, ayaa waxaa gacan ka gaysanaysa maamulka dawladda hoose ee magaalada Galkacyo iyo hay?adda jidadka Puntland ee NESHA oo wax uun dhaqaale ah ku saacidaysay samaynta waddadaasi.

Deegaannada Cagaaran iyo Bursaalax ee hadda loo samaymayo waddada cusub qiyaastii waxay isku jiraan 32KM, waxaana waddada cusub ee hadda la wado ay noqon doonaa mid carro-tuur oo sahli doonta isku socodka gaadiidka isticmaala jidka u dhaxeeyey Cagaaran iyo Bursaalax.

Waddadii hore ee ay adeegsan jireen dadka iyo gaaadiidku iskuna xiri jirtay Bursaalax iyo Cagaaran ayaa u xiran tahay bacaad iyo boor dartiis, waxaana gaadiidku ay joojiyeen waddaadaas in ay maraan kadib markii ay rafaad badan kala kulmeen.

Wariyaasha idaacadda Daljir oo booqday goobta waddadaasi laga samaynyo maalintii shalay ahayd, ayaa la kulmay mas?uuliyiinta maamulka Cagaaran iyo hawlwadeenno kaleeto oo ku guda jiray hirgalinta waddadaasi.

Goobta aanu tagnay waxaan ku aragnay shaqaale badan oo ku hawllanaa furiska waddadaasi, waxaana goobta ka shaqaynayey oo kale Cagaf-Cagafyo , iska rogooyinka ciidda daabula iyo Booyadaha biyaha dhaamiya oo isku daba marayey halka waddadaasi ay ka socoto

Guddoomiyaha Beesha Cagaaran Cali Xiis, idaacadda Daljir ay ka waraysatay baahida dhalisay samaynta waddadaasi isku xirta Cagaaran iyo Bursaalax ayaa sheegay in ay tahay kadib markii ay arkeen dhibaato badan oo dadka iyo gaadiidkaba ka haysata waddo hore oo gacn ku fal ahayd oo isku xiri jirtay labaasi deegaan.

Guddoomiyuhu waxaa uu xusay falista waddaasi in ay ku bilaabeen dhaqaale ay ka aruuriyeen dadka deegaanka, kadibna ay gacan ka heleen maamulka dawladda hoose ee magaalada Galkacyo iyo hay?adda jidadka Puntland ee NESHA.

Hirgalinta waddaasi waxay wax badan u tari doontaa dadka deggan magaalada Cagaaran, waxayna noqon doontaa mid ay adeegsadaan gaadiidka xamuulka ah ee Baradhada iyo alaabaha kale ka soo qaada Ethiopia.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com