HomeUncategorized

Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Galkacyo iyo Madaxweyne Gaas oo Muqdisho ku wajahan.

Galkacyo, Sep 05 2016--Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu horkacayo ayaa lafilayaa inay dhowaan u duulaan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Faadumo Ladan.
DHEGEYSO-Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo kahadlay qorshihiisa siyaasadeed.
Tartanka astaynta calanka, heesta & muunadda Puntland oo maanta ku eg, iyo halabuur door ah oo la soo bandhigay.

Galkacyo, Sep 05 2016–Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu horkacayo ayaa lafilayaa inay dhowaan u duulaan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas iyo waftiga uu horkacayo ayaa lafilayaa inay ka qaybgalaan shirka madasha wadatashiga qaran ee doorashada Soomaaliya, oo wararku sheegayaan in xilligii horay loogu ballamay laga soo hormariyey.

Dhanka kalena waxaa magaalada Galkacyo weli laga dareemayaa xiisado iyadoona wararku sheegayaan in ciidamo tirabadan oo kayimid bartamaha Soomaaliya lageeyey koonfurta Magaalada ee Galmudug.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay inaysan u dulqaadan doonin cidkasta oo ammaanka magaalada Galkacyo wax u dhimaysa, xilli maamulka Galmudug ee fariisinkiisu yahay magaalada Cadaado uu sheegay inuusan ka dambayn xiisadaga ka aloosan magaalada Galkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: