Sawirro-Madaxweynaha Puntland oo xarun dhagaxdhigay una safray Muqdisho.

Madaxweynaha dawladda PuntlandDr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa manta 05 September, 2016 si wada jir ah u dhagax dhigay  dhisme cusub iyo sidoo kale barnaamij dib u dayactir loogu samayn doono cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda dhagax dhigga ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, maamulka Cusbitalka guud ee Gaalkacyo, guddiga dib u dhiska cusbitalka, saraakiisha ciidanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladdda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay maanta dhagax dhigayaan barnaamij dib loogu dhisayo cusbitalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana dib u dayactir loogu samayn doono qaybaha ka mid ah cusbitalka ee ka badbaadey weerarkii bahalnimo ee argagixisada Al-shabaab ay dhowaan la beegsadeen suuqqa xero dayax iyo xarunta dawladda Hoose  oo deris la ah cusbtilka guud ee degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsadata, qurbe joogta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo kan Puntland-ba in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga qayb qaataan dib u dhiska cusbitalka iyo dib  u dayactirkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhagax dhigga ka dib waxa uu u amba baxay magaalada muqdisho, halkaas oo uu uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga qaran oo noqonaya  shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhammaystiri doono arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiye Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, xikdhibaano, saraakiisha ciidanka iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo warbaahinta kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho uga qayb geli doono shirka Madasha wadatashiga qaran, kaas oo lagu soo dhammaystiri doono arrimaha qabyada ka ah hannaanka doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland  meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Puntland, kuwaas oo  oo habeen iyo dharaarba u heellan sugidda nabad-gelyada guud ee Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

DSC08844DSC08850DSC08853DSC08856DSC08857DSC08859DSC08866DSC08867DSC08874DSC08876DSC08879DSC08881DSC08923

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com