Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Nugaal oo Shaqadii laga joojiyey

Taliyihii  Qaybta Booliska gobolka Nugaal oo Shaqadii laga joojiyey

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa waxaa uu Shaqada ka joojiyey  Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Muumin Cabdi Shire.

Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Puntland Sareeyo Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa wareegto uu Shaqada uga joojiyey Taliyaha u gudbiyey Madaxweynaha Puntland,taas oo uu ku xusay in uu sameeyey amar-diido.

Shaqa joojintan ay ka dambeeysay khilaaf maalmihii la soo dhaafay ka dhaxeeyey taliyaha Booliska Puntland iyo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal sida ay xariijiyeen Ilo xogogaal ah.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in bilihii la soo dhaafay aysan dhex-marin labada taliye wax wadashaqeyn ah,taas oo sababtay in Shaqada laga joojiyo Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com