NISA oo fashilisay weerar ka dhicilahaa Muqdisho

NISA oo fashilisay weerar ka dhicilahaa Muqdisho

Ciidamada Amniga ayaa xalay gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu weerar bam gacmeed ka geysan rabay goob ka mid ah magaalada Muqdisho.

Barta Twitterka ee Hey’adda NISA ayaa lagu soo bandhigay sawirka ninka iyo bam gacmeedka uu rabay inuu weerarka ku fuliyo.

Hase ahaatee lama shaacin magaca ninkan iyo goobta uu rabay inuu weerarka ka geysto, marka laga reebo qoraalka la socda sawirka ninka iyo bam gacmeedka uu rabay inuu falka ku fuliyo.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa (Xalay) gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ka tirsan Al-Shabaab, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA.

Muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Amniga ayaa dardar geliyay howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda, iyadoo bishii hore gacanta lagu soo dhigay rag dilal fuliyay, halka la dilay qof kale oo dil geystay oo baxsan rabay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com