HomeUncategorized

30 Qof oo ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Turkiga

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) —Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay in ka badan boqol qofna waa ku dhaawameen weerar argagixiso oo lala eegtay dad isugu soo baxay bartama magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Qaxootiga Somalida ee xerada Dhadhaab oo ay ammaan xumo soo food saartay
Weriyaha idaacada VOA oo lagu xiray Galkacyo, isla caawana la sii daayey. [Dhegaysi …]
Wafti ka socda maamulka Puntland oo ku sugan degmada Widh-Widh, kulamana la qaatay bulshada deegaanka.

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) —Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay in ka badan boqol qofna waa ku dhaawameen weerar argagixiso oo lala eegtay dad isugu soo baxay bartama magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Laba qarax ayaa ka dhacday bannaanka xarun tareen, halkaas oo ay ku sugnaayeen boqollaal qof oo ka soo horjeeday qalalaasaha u dhaxeeya dowladda iyo kooxda gooni isu taaggga PKK.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid argagixiso isla markaana ay baarayaan kuwa ka dambeeya iyo qofkii is-qarxiyayba.

Raysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoğlu, ayaa  kulan degdeg ah la yeeshay saraakiisha ammaanka si looga jawaabo weerarkan, sida ay sheeegeen saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga ayaa xaqiijisay in 30 qof ay ku dhinteen qaraxyadan, halka ay ku dhaacmeen 126 qof.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in qaraxyadu ay dhaceen 10kii barqannimo ayagoo aad u xooggan, oo dhismeyaasha gigilay.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.

Dalka Turkiga ayaa ku jiray xaalad feejignaan ah tan iyo markii uu billaabay bishii July dagaal ka dhan ah kooxadha argagixisada ah iyo duqeymo ka dhan ah kooxda daacish ee ku sugan Suuriya iyo saldhigyada kooxda PKK ee woqooyiga dalka Ciraaq.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: