HomeUncategorized

Xildhibaano ka Biyo Diiday shir Barlamaanku u Balansanaa

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) — Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxay sheegeen inaysan ka qeyb galeyn Wada hadalka looga hadli doono Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Somaliya oo aan ka waraysanay dagaalada ka socda Muqdisho.
Baahin: Arbaca, Feb 01, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossao. 11 qof oo rayad ah oo ku dhimatay shil laba gaari oo isku dhacay duleedka Galkacyo; Tartanka ciyaaraha gobollada Puntland oo maanta ka bilawday Garowe; Ciidanka dawlada federaalka oo qabsaday deegaanka Hoosingow, J. Hoose; Warbixin ku saabsan mashruuca balaarinta & dayactirka dekeda Bossaso.
Agaasimaha waaxda dab-damiska & gurmadka deg dega ah ee Bossaso oo aan ka waraysanay dab khasaare gaystay. [Dhegaysi …]

Sabti, Oktoobar 10, 2015 (Daljir) — Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxay sheegeen inaysan ka qeyb galeyn Wada hadalka looga hadli doono Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Aabi oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay inysan marnaba ka qeyb gali doonin Wada Xaajoodlka looga hadlayo Mooshinka islamarkaana horay ay Go’aano uga soo saareen.

“Guddoomiye Jawaari waxaa uu horay u soo saaray Qoraalo badan oo iska hor imaanaya mar waxaa uu sheegay in Mooshinka la soo Afjaray, marna waxa uu yiri Mooshinka Xalkiisa ayaa la wadaa, kee la raacaa oo sax ah “ayuu yiri Xildhibaan Axmed.

Gudoomiyaha baarlamanka Somalia ayaa sheegay in maanta oo sabti taariikhduna ku beegan tahay 10-ka Oktoober 2015 saacadda 11:00-ka barqanimo uu si rasmi ah u bilaaban doono wadahadallada arrimaha ku xusnaa Mooshinkii 12ka August 2015.

Waxaan se la ogayn sida wadahadaladu ku furmi karaan hadii xildhibaanada keenay mowshinka ay ka dhabeeyaan go’aanka ay ku diideen iney ka qeyb galaan wadahadalka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: