10-Sano ayaa ka soo wareegatay Qaraxii Hotel Shaamow ee Muqdisho (Warbixin)

10-Sano ayaa  ka soo wareegatay Qaraxii Hotel Shaamow ee Muqdisho (Warbixin)

3-da Bishii December ee sanadkii 2009-ka Hotelka Shaamow ee ku yaalla Magaalada Muqdisho waxaa xili duhur oo ay hotelka ka socotay xaflad qalin jebin ah ka dhacay qarax musiibo ahaa, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Hotelka ayaa waxaa ka socotay Munaasabadda qalin jebinta Ardaydii Dufcadii labaad ee Jaamacadda Banaadir, kuwaasi oo bartay culuunta kala duwan ee lagu dhigo Jamacadaasi, waxaana goobta ku sugnaa Arday faraxsan, Waalidiin, Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Jawigu waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan ardaydu waxa ay ku labisnaayeen dharka lagu yaqaano dadka ka aflaxay waxbarashada jaamacadeed ee shahaadada lagu guddoonsiiyo.

Dadkii ku sugnaa goobta waxa ay ahaayeen kuwo dhageysanayey khudbadaha ay jeedinayeen qaar ka mid ah ka qeyb galeyaasha, marqura waxaa is badalay jawigii ku dheehnaa farxada waxaa la maqlay qarax weyn oo gilgilay Hotelkii, jawiga waxa uu noqday mid isku badalay murug.

Qaraxii ka dhacay Hotelka waxa uu galaabtay dad badan oo ay kujireen Seddax wasiir oo mar qura goobta ku nafbaxay kuwaas oo kala ahaa Qamar Aadan Cali wasiirkii caafimaadka, Maxamed C/llaahi Waayeel wasiirkii waxbarashada iyo prof Ibraahim Xasan Cadoow iyadoo ay ku geeriyoodeen dhaqaatiir uu ka mid ahaa Prof Maxamed Aadan Warsame Shahiid.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyooday arday, waalidiin iyo wariyeyaal ku sugnaa goobta munaasabada ay ka dhaceysay, qaraxaasi oo sababay dhimashada 30 qof.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka ugu murugada badnaa ee abid soo maray Soomaaliya, maadaama la qarxiyay Munaasabad ay ku qalin jebinayeen Boqolal arday, mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaas lagu hoobtay ee ka dhacay Hotelka Shaamow ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mukhtar 3 years ago

    Waxan ahay arday marna ganacsade waxan ka mid ahay ardayda wax ka barato jamacadda banadir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com