Duufaano ku soo wajahan Soomaaliya iyo Dalka Madagascar

Duufaano ku soo wajahan Soomaaliya iyo  Dalka Madagascar

Hay’adaha Caalamiga ah ee la socda saadaasha Hawada ayaa sheegaya in Duufaanno xoog leh ay ku wajahanyihiin Soomaaliya kuwaas oo ka imanaya Badweynta Hindiya.

Khubarrada ayaa sheegaya in Todobaadkan iyo kan soo socdaba ay yihiin maalmaha ugu daran ee Duufaanta iyo roob xoog lehba ay ku dhufaneyso dhulalka Xeebaha ee ku teedsan Badweynta Hindiya.

Sidoo kale Waqooyiga Soomaaliya ilaa Bariga Itoobiya ayaa la saadaalinayaa in uu ka do’o roob xoog leh oo laftiisa dabeylo wata.

Duufaanta ugu soo horreysa ayaa loogu magacdaray Pawan, waxaana ay ka billaabeysaa sida ay muujinayaan warbixinnada Dalka Madagascar kaddibna waxaa iyada oo roob watada ku wajahantahay Xeebaha Koofureed ee Soomaaliya ilaa Bariga Soomaaliya.

Khamiista ilaa Jimcaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in Roob wata Dabeylo xoog leh uu ka do’o xeebaha Waqooyi Bari ee Puntland,waxaana dadka loogu baaqayaa in ay feejignaadaan kana fogaadaan togagga biyaha sii daaya.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com