HomeUncategorized

Dhegeyso:Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo hirgelisay waaxda horumarinta Xoolaha

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa maanta furtay waax cusub oo lagu horumarinayo caafimaadka Xoolaha Puntland, kulanka dhacay xarunta Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland ee Garoowe ayaa lagu daah-furay waaxdan cusub.

DHEGEYSO-Wasiirka amniga Puntland oo dalka ku soo laabtay kana kahadlay arrimo muhiim ah.
Dhagayso Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir 14 – Febru – 2016 Wariye Maxamed Cadullaahi Cali (Kooshin) Daljir Garowe
Madaxda Afrika oo ka dalbaday Madaxweynaha Burundi in doorashada dib loo dhigo
Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa maanta furtay waax cusub oo lagu horumarinayo caafimaadka Xoolaha Puntland, kulanka dhacay xarunta Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland ee Garoowe ayaa lagu daah-furay waaxdan cusub.
 
Wasiirku xigeenka Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland Cabdiweli Seed Cilmi oo ka hadlay ahmiyada ay Xoolaha Puntland u leedahay hirgelinta waaxdan cusub ee ka shaqayn doonta arrimaha horumarinta Xoolaha Puntland, waxaa uu tilmaamay in Wasaaraddu ku howlan tahay dar-dargelinta horumarinta Xoolaha iyo caafimaad qabkooda iyo sidiii bulshadu uga wada faa,iidaysan lahayd khayraadka Xoolaha Puntland.
 
Wasiirku xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu tilmaamay in waaxdan cusub ee horumarinta xooluhu ay qayb-ka qaadan doonto sidii ay shaqooyin u heli lahayeen dhalinyarada Puntland ee baratay cilmiga horumarinta Xoolaha, waxaana uu intaas ku daray in xoolah Puntland u baahan yihiin xiligani in laga hormariyo dhinacyo badan-Wariyeheenna Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa warbixintan ku eegaya.
 
Dhegeyso.
 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: