Dhegeyso:Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland oo hirgelisay waaxda horumarinta Xoolaha

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa maanta furtay waax cusub oo lagu horumarinayo caafimaadka Xoolaha Puntland, kulanka dhacay xarunta Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland ee Garoowe ayaa lagu daah-furay waaxdan cusub.
 
Wasiirku xigeenka Wasaaradda xanaanada Xoolaha Puntland Cabdiweli Seed Cilmi oo ka hadlay ahmiyada ay Xoolaha Puntland u leedahay hirgelinta waaxdan cusub ee ka shaqayn doonta arrimaha horumarinta Xoolaha Puntland, waxaa uu tilmaamay in Wasaaraddu ku howlan tahay dar-dargelinta horumarinta Xoolaha iyo caafimaad qabkooda iyo sidiii bulshadu uga wada faa,iidaysan lahayd khayraadka Xoolaha Puntland.
 
Wasiirku xigeenka oo hadalkiisa sii wata waxaa uu tilmaamay in waaxdan cusub ee horumarinta xooluhu ay qayb-ka qaadan doonto sidii ay shaqooyin u heli lahayeen dhalinyarada Puntland ee baratay cilmiga horumarinta Xoolaha, waxaana uu intaas ku daray in xoolah Puntland u baahan yihiin xiligani in laga hormariyo dhinacyo badan-Wariyeheenna Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa warbixintan ku eegaya.
 
Dhegeyso.
 

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com