Madaxweyne Xassan Sheekh oo Taliyayaal cusub u magacaabay Booliska Soomaaliya

Isniin, Ogoosto 03, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud ayaa Wareegto xafiiskiisa kasoo baxday ku magacaabay taliye ku xigeenada ciidamada Booliiska Soomaaliya, iyadoo loo magaacabay xilkan Gen, Mukhtaar Xuseenb Afrax.
 
Taliyaha guud ee ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen, Maxamed Sheikh Xssan Xaamud oo ka qayb-galay muunaasiad lagu sagootinayey Cutubyo ka tirsan Booliska AMISOM ayaa akhriyey wareegtada lagu magaacaby taliye ku xigeenadiisa Booliska Soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu magaacabay Wareegto Madaxweyne ku xigeenka.
 
Madaxweynaha Soomaaliya oo tixraacaya shuruucda waddanka u taalla, sidoo kalena tixgelinaya soo-jeedinta RW Soomaaliya ayaa taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya u magacaabay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax, ayuu yiri Jen. Xaamud.
 
Sidoo kale, Jen. Xaamud ayaa xusay in taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska loo magaacaby, Bashiir Cabdi Maxamed,waxaana magaacibaddan kusoo beegmeysa xili Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud dhowaan taliyaha ciidamad Booliska SOomaaliya u magaacabay Jen, Xaamud, kadib geeridi ku timid taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com