Yuusuf Dabageed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle

Yuusuf Dabageed oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle kadib markii uu codad aqlabiyad leh ka helay xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.

Madaxweyne ku-xigeenka Cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa helay codad gaaraya isagoo 87 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle uu ka helay Codad gaaraya 12 Cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maanta Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo helay Codad gaaraya 86 Cod, waxaana uu noqonayaa Madaxweynaha saddexaad ee maamulkaas uu yeeshay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com