Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay Amarro ku socda Shacabka Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay Amarro ku socda Shacabka Muqdisho

Wasaaaradda Macdanta iyo Bartoolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in si dhaqsi ah ay uga guuraan dadka degan xaruntii wasaaradda ee ku taala xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan.

Qoraal kasoo baxay Aaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka Maxamed Xaashi Carabeey ayaa waxaa lagu yiri”

Anaga oo ka duuleyno Amarka Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta kaas oo ah ilaalinta hantida hantida qaranka gaar ahaan hantida maguurtada ah ee Wasaaradda Batroolka ee dhammaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir ayaan waxaan fareeynaa dhammaan dadka degan xarunta Wasaaradda Batroolka ee kutaalla Seybiyano inay sida dhaqsiyaha badan uga guuraan Sababtoo ah waxaa looga baahan yahay in dadkii guud oo markii hore loo dhisayba loo isticmaalo oo dib loo dhaqan geliyo ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Dhinaca kale Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa lagu sheegay inaan wax Guri ah laga dhisi karin, si kumeel gaar ah, aaga Garoonka Diyaaradha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com