HomeUncategorized

Xukuumadda oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusomareeb.

Caption ...

Axmed Adam Carab oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn; Cumar X. Cabdi, Duqa magaalada Buuhoodle.
Qarax Dhimasho sababay oo lala eegtay Meherad ku taal Muqdisho
Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland oo kormeeray deegaano Hoosyimaadda Gobolka Cayn.

Muqdisho, May 01 – Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.

Afhayeenka dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng: Yariisow) ayaa Saxaafadda u sheegay in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay Magaalada Dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud kaa oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray qaar katirsan xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya.

Wuxuu kaloo Afhayeenka sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed C/salaam oo Xukuumadii hore ka noqday Ra?iisul Wasaare ku xigeen iyo mas?uuliyiin kale.

Wuxuuna sidoo kale sheegay Afhayeenka in Shacabka Soomaaliyeed intaan ka dib aysan u dul-qaadan doono in kooxaha nabad diidka ah ay sii joogteeyaan falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxey sii kordhin doontaa howlgalada looga soo horjeedo kooxdan caadeysatay inay shacabka gumaadaan.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU iyo IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba cadd laga qaadi doono islamarkaana loo aqoonsanayo qaswadayaal.

Ugu dambeyntii Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel Gaarnimadda islamarkaana ay ka shaqeyaan sidii loo heli lahaa dowladda rasmi ah.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: