Axmed Adam Carab oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn; Cumar X. Cabdi, Duqa magaalada Buuhoodle.

Garowe, Jul 07 – Wareegto ka soo baxday xafiiska M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isbedel lagu sameeyey maamulka gobolka Cayn iyo kan magaalada Buuhoodle.

Wareegtada oo cadadkeedu ahaa 32 ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Cayn Axmed Adam Carab, halka Duqa magaalada Buuhoodle loo magacaabay Cumar X. Cabdi.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu la tashi la sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen. C/llaahi Axmed Jaamac ‘Ilkajiir’.

Maamulka cusub ee gobolka Cayn ee uu maanta magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan la wareego xilalka loo kala magacaabay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Dlajir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com