HomeUncategorized

Xukuumada federaalka ah oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka Gaalkacyo.

Caption ...

DHEGEYSO-Haweenka gobolka Banaadir oo dalbanaya qoonadada haweenka.
Dagaalladii iyo madaafiicdii magaalada Muqdisho oo maalintii 3-aad galay.
Baarlamanka federaalka oo sheegay in ay meel-mariyeen howlo muhiim u ah dalka sanad kadib

War saxaafadeed

Muqdisho, Sabti, September 3, 2011

Ra?iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasoo geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu horeyn Ra?iisul Wasaaraha wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku baxay dagaaladaasi, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, inta dhaawac ahna bogsiiyo.

Sidoo kale, Ra?iisul Wasaare Dr. Cabdiweli waxa uu ugu baaqay dhinacyada is haya in wixii dhibaato ah ee jirta ay ku dhameystaan walaaltinimo iyo isafgarad, wuxuuna ka dalbaday in cid kasta oo nabadgelyada wax u dhibeysa ay hal meel uga soo wadajeestaan.

?Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay ka qeybqaadato daminta colaada iyo inay gacan ka geysato sidii ay gurmad caafimaad u heli lahaayeen dhaawacyada dagaalka wax ku noqday? ayuu yiri Ra?iisul Wasaaraha.

?Si gaar ah waxaan doonayaa inaan baaq ugu jeediyo odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada degaanadaasi, waxaana leeyahay waa inaad iska kaashataan ka hortaga cid kasta oo nabadgelyada degaanadaasi wax u dhimeysa?.

Ugu dambeyntiina Ra?iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in Xukuumadu ay diyaarineyso sidii ay halkaasi ugu diri laheyd guddi nabadeed oo gacan ka geysta xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay.

[email protected] [email protected]
+252615615536608 +252699998854 http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: