Xukumadda oo ka hadashay sababta Ciidanka loo geeyay Xuduudaha dalka

HomeWararka

Xukumadda oo ka hadashay sababta Ciidanka loo geeyay Xuduudaha dalka

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Ga

Taliska Booliska Soomaaliya oo amar soo saaray
Ciidamada Kenya oo gacanta ku soo dhigay Nin ku eedeysan fal Argagixiso
Madaxweynaha Jubbaland oo salaan ugu tagay Ciidamadda Daraawishta (Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga taas oo lagu xusayay 64-sanno guurada ka soo wareegtay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay diyaar ku yihiin difaacyada iyo furimaha ugu jiraan sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: