Xubno ka tirsan Alshabaab oo saacado kooban gacanta ku hayeey degaanka Milxo ee gobalka Sanaag

HomeWararka

Xubno ka tirsan Alshabaab oo saacado kooban gacanta ku hayeey degaanka Milxo ee gobalka Sanaag

Radio Daljir ayaa helay warar ku saabsan Kooxda Alshabaab oo saacado kooban la wareegay gacan ku haynta degaanka Milxo oo hostagta degmadda Laasqorey

TOOS: XIRITAANKA SHIRKII MUQDISHO & SAXIIXA HESHIISKII DOORSHADA
Galmudug oo heshiisiisay beelo ku dagaalamay Galgaduud
Minneapolis: Laba Caruur ah oo ka soo dhacay dabaq 4-aad guri kuyaala Minneapolis (dhegayso)

Radio Daljir ayaa helay warar ku saabsan Kooxda Alshabaab oo saacado kooban la wareegay gacan ku haynta degaanka Milxo oo hostagta degmadda Laasqorey ee gobalka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaal kooban dhexmaray Ciidamadda Alshabaab iyo dadka degaanka walow khasaare jirin hadana qaar kamid ah dadka degaanka iyo Guddoomiyihii degaankaas Milxo ayaa wararku sheegayaan inay qafaasheen.

Warbaahinta Daljir oo xirir la samaysay dadka degaanka ayaan suurta galin maadama isgaarsiinta degaankaas ay adagtahay.

Hub iyo sahay kala duwan ayaa la sheegay Ciidamadda Alshabaab ee saaka wareerka ku soo qaaday degaankaas inay kala tageen goobtas,lamana ogga halkay u ruqaansadeen.

Wixii ku soo kordha Daljir kalasoco.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: