41 Xubnood oo Guddiga 45ta SSC-Khaatumo oo Laascaanood lagu dhaariyey

41 Xubnood oo Guddiga 45ta SSC-Khaatumo oo Laascaanood lagu dhaariyey

Waxaa maanta la dhaariyey 41 xubnood oo ka mid ah Guddiga 45ta Xubnood oo loo igmaday hoggaanka degaanada SSC kuwaas oo bilihii la soo dhaafay ay arrintoodu u taagnayd baadigoobka xubnaha ku habboon ee aan lahayn calaamooyin iimo ah oo halganka dhaawici kara.

Dhaarinta guddigan ayaa dardargelinaya halganka ka soconaya Gobolka Sool iyadoo ay badanaa Jamaahiirtu marar kaladuwan ay madaxdhaqameedka ku qabsadeen sababta loo ansixin waayey Guddiga.

Afar xubnood oo kamid ah Guddiga ayaan weli la dhaarin iyada oo laba kamid ah la sheegay in ay hawl ku maqanyihiin, halka labada kelana xubnihii beelohoodu keeneen ay mari waayeen muraayadda baadhista oo ay qabad noqdeen, welina laga sugayo ciddii ay keeni lahaayeen.

Dhammaadkii dhaarinta kulankii u horeeyey ee ay yeeshaan waxa ay hoggaan u doorteen ninkii ugu da’da weynaa oo ah Dr. Aadan Cabdillaahi oo doorashadiisii kadib cudurdaar ka bixiyey, isaga oo sheegay in uu musharrax yahay, kaddibna waxaa hoggaan kumeelgaar ah loo doortay Sheekh Aadan Weli Cabdi Xuseen.

Guddiga waxaa u yaal doorashada hoggaanka Guddiga, samayntii sharciyada, maadaama aanay jirin wax sharci ah oo Guddigii hore uu meelmariyey, waxaana intaas u sii dheer maamulka dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

Guddiga ayaa wajahaya arrimaha siyaasadda oo ay awal gacanta ku hayeen madaxda dhaqanka iyo rag qurbajoog u badan, taas oo mararka qaarkood dhaliilo yeelan jirtey, inkasta oo aanu halganku u dhutin.

Sidoo kale, Guddigii hore oo dhammaan halganku gacantooda ku jirey una badanaa dad caadiifad iyo waddaniyad loo xushay ay saraakiisha ciidamadu kala kulmi jireen isfahamwaa dhinaca dagaalka, kaas oo loo tirin jiray in uu ahaa khilaaf dhanka dadaalka oo kaliya.

Dhanka hoggaanka, waxaa jira tartan illaa todobaadkan ka soconayey magaalada Laascaanood, siiba hoteelada waaweyn, kaas oo dadka madaxnimada SSC u hanqaltaagayaa ay xubnaha guddiyada ku casumayeen si ay fikirkooda uga dhaadhiciyaan.

Qormooyinkeena soo socda waxaan ku soo bandhigi doonaa xubnaha tartami doona taariikh nololeedkooda iyo wixii dhaliilo ah oo ka soo bidhaama si aan ugu bulshada SSC ugu sii bidhaamino.

Hoos ka daawo dhaarinta xubnaha Guddiga SSC-Khaatumo.

Diiwaanka Daljir | Daljir Laascaanood

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com