Xoogaga Mucaaradka ee Yemen oo dowladda ku wareejiyay magaalada Xudayda

HomeWararka

Xoogaga Mucaaradka ee Yemen oo dowladda ku wareejiyay magaalada Xudayda

  Saraakiil ammaanka qaabilsan oo magacooda qariyay ayaa sheegay in kooxda Shiicada ee ka dagaalamaysa dalka Yemen inay dekedda magaalada Xuda

Shaqsigii bixiyeey Amarkii lagu dilay Wariye Jamaal khashoggi oo la shaaciyeey
MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARAAQAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA CUSUB EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA (SAWIRO)
“Waxaani door bidnay in aanu u cararno dhanka sharciga markaan arganay xukuumadi iyo baarlamaankii,

 

Saraakiil ammaanka qaabilsan oo magacooda qariyay ayaa sheegay in kooxda Shiicada ee ka dagaalamaysa dalka Yemen inay dekedda magaalada Xudayda ay ku wareejiyeen maraakiibta iyo ciidamada ilaalada xeebaha ee dowladda Yemen.

Wareejinta oo dhaqan gashay maalinimadii Sabtida ayaa la xaqiijiyay inay qayb ka tahay heshiiska nabadeed ee horaantii bishaan ay ku gaareen wadanka Sweden kooxo matalaya dowladda  Yemen iyo Xuutiyiinta, xubno QM katirsan ayaa horay kormeer ugu tagay magaalada dekeedda leh ee Xudayda.

Afhayeenka kooxda Xuutiyiinta ayaa isaguna xaqiijiyay inay xoogagooda ka baxeen xalay magaalada dekeedda leh ee Xudayda, iyagoo fulinaya heshiiskii Sweden.

Heshiiska ayaa sidoo kalle dhigaya in xoogaga Xuutiyiinta ka baxaan magaalooyinka dekedda leh ee Salif iyo Rass Issa oo ah goobaha ugu badan ee ay ku xanibaynyihiin malaayiinta shacabka ee Yemen ee u baahan gargaarka, dhanka kalle maxaabiista in la iswaydaarsaday labada dhinac ayaa qayb ka ah heshiiska.

Dalka Yemen ayaa galay dagaal sokeeye oo soo bilowday sanadkii 2014kii, kadib markii xoogaga mucaaradku ay qabsadeen magaalooyinka waawayn, waxaana dagaal xun uu dhexmaray ciidamada dowladda oo taageero ka helaysa isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta iyo jamhadda Xuutiyiinta oo xiriir la leh dowladda  Iiraan.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: