Shaqsigii bixiyeey Amarkii lagu dilay Wariye Jamaal khashoggi oo la shaaciyeey

HomeWararka

Shaqsigii bixiyeey Amarkii lagu dilay Wariye Jamaal khashoggi oo la shaaciyeey

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka we

Shirka Garoowe uga socda madaxwaynayaasha oo lagu eedeeyey in lagu carqaladaynayo dowladda dhexe (dhegayso)
WAATEE PSFTII HORE? DAAWO MUUQAALKAN
Xulashada Daljir & Jaamac Cabdiraxmaan Faandhe, Daljir Garoowe (dhegayso)

Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: