Xoghaye Cumar Cabdirisaaq “Maamul hoosaadka oo hufan wuxuu muhiim u yahay Horumarka Caasimadda”

HomeWararka

Xoghaye Cumar Cabdirisaaq “Maamul hoosaadka oo hufan wuxuu muhiim u yahay Horumarka Caasimadda”

-Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa kulan la qaatay Xoghayeyaasha 17ka degmo ee gobolka Benaadir. Isagoo

Waa sidee xaalada nololeed ee degmada Xaafuun ?(dhegayso)
Wasiirka Degaanka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxa hay’adda FOA
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

-Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa kulan la qaatay Xoghayeyaasha 17ka degmo ee gobolka Benaadir. Isagoo kula dar-daarmay kor u qaadista xiriirka dadweynaha iyo dar-dargelinta adeegyada bulshada.

Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa ka dhageystay xog-hayeyaasha degmooyin qaabka ay u shaqeeyaan, isagoo kula dar-daarmay in la xoojiyo wada shaqeynta bulshada iyo u adeeggiddooda, taas oo dhabaha u xaareysa xaqiijinta maamul wanaag iyo caddaalad.

“Maamul hoosaadka oo hufan waa wax muhiim u ah wanaajinta horumarinta adeegyada bulshada Caasimadda. Waxaan idin kula dar-daarmayaa in loo dhawaado dadka aad mataleysaan, awoodna waxaad u leedihiin in aad isbeddel natiijo la taaban karo leh aad la timaaddaan”.Ayuu yiri Xoghaye Cumar Cabdirisaaq.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa wanaajinta xiriirka degmooyinka iyo sidii loo kobcin lahaa istaageersiga iyo wax wada qabsiga guud ahaan 17ka degmo ee Gobolka Benaadir, si looga gudbo wax walba oo gaabis ku keeni kara adeegyada loo qabto shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: