Wasiirka Degaanka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxa hay’adda FOA

Wasiirka Degaanka Puntland oo Kulan la qaatay Madaxa hay’adda FOA

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed “Maareeye” iyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kulan la qaatay wafti balaaran oo uu hogaaminayey madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati iyo saraakiil kale oo ka socotay xafiiska FOA Soomaaliya.

Kulankan ayaa intii uu socday xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adda FOA iyo wasaarada Deegaanka islamarkaasna loo balaarin lahaa howlgalka iskaashi ee labada dhinac ay horey ugu jireen, shirka ayaa diirada lagu saaray mashaariicda Puntland ay FOA kawado sidii loogu salayn lahaa qorshaha dawlada Puntland gaar ahaana qaybtooda Deegaanka iyadoo laga duulayo istaraatijiyada wasaarada Deegaanka oo ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Puntland.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii FOA iyo wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland ay uga wada shaqayn lahaayeen fulinta iyo balaarinta Mashruuca cunto lacag ku badalashada ah “Cash for work” ka hortaga abaaraha, hagaajinta iyo hormarinta dhul daaqsimeedka Puntland, hormarinta Daaqa, ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo ilaalinta Duurjoogta Puntland waxaana ay dhinacyadu isla qaateen in si wadajir ah loo bilaabo fulinta dhamaan qorshayaashan oo ku salaysan baahiyaha bulshada reer Puntland oo ay horey wasaarada Deegaanku u samaysay kadib markii ay wadatashiyo kaladuwan la qaateen qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Wasiirka wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullaahi ayaa gabagabadii shirkaas uga mahadceliyey madaxda FOA booqashada ay ku yimaadeen wasaarada deegaanka waxaana uu sheegey inay muhiimtahay bilaabista Qorshe midaysan oo wax looga qabanayo deegaanka Puntland, madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr, Daniele Donati ayaa isna u mahadceliyey madaxda wasaarada Deegaanka wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxayso waxaana uu sheegey in ay sii laba jibaari doonaan howgalkooda Puntland iyagoo ku shaqaynaya siyaasada dawlada Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com