Xisaabiyihii Maaliyadda Gobalka Mudug oo is Casilay (dhegayso)

HomeWararka

Xisaabiyihii Maaliyadda Gobalka Mudug oo is Casilay (dhegayso)

Xili Shaqadii laga joojiyaay Xisaabiyaha wasaraada Maaliyada ee gobolka Mudug Mudane Barkhadle Aadan Muuse ayaa maanta uu iska casilay Xilkaasi. X

Shacabka Muqdisho oo soo dhaweyeey in la joojiyo Munaasabad lagu xusayeey 18 May
Somaliland oo ugu dambeyn ogolaatay qodobkii xasaasiga ahaa ee Wada hadaladii Jabuuti
GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO WAR KASOO SAARAY DOORASHADA SOOMAALIYA

Xili Shaqadii laga joojiyaay Xisaabiyaha wasaraada Maaliyada ee gobolka Mudug Mudane Barkhadle Aadan Muuse ayaa maanta uu iska casilay Xilkaasi.

Xisaabiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in wasiirka wasaarada Maaliyada dawlada Puntland uu ku khasbay inuu keeno lacago dheeraad ah oo uu sheegay in laga qaadayey gobolka Mudug.

Xisaabiyaha ayaa markii uu xilkaasi iska casilayey oo Warbaahinta uu kula hadlayey magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada ay kuwada Socdeen xilka qaadistiisa iyo Shaqo ka joojintiisa sida uu sheegay Xisaabiyaha.

Sidoo kale Xisaabiyaha ayaa mar uu ka hadlayey Hantida gobolka ee Baxda laguna tigrifalo ayuu yiri,”Wasiirka Maaliyada Puntland, C/llaahi Siciid Caarshe markii la magacaabay Akoonkiisa waxaa ku jirtay $ 1,000, hadana $ 155,000 waxaana jira lacago kale oo laga saaray” isagoo xusay in si ba’an loogu takri falo hantida ummadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: