GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO WAR KASOO SAARAY DOORASHADA SOOMAALIYA

HomeWararka

GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBAY OO WAR KASOO SAARAY DOORASHADA SOOMAALIYA

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu yeeray hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay si dhaqso leh dib ugu bilaabaan wada hadalada si loo diyaariyo do

Iiraan oo ku eedaysay Mareykanka inuu doonayo fadhi degdeg QM inay ka yeelato dalkeeda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta tegaya dalka Itoobiya
Hooyo ka shaqaysa suuqa Hargaysa iyo xakamaynteeda cudurka Covid19 (daawo)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu yeeray hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay si dhaqso leh dib ugu bilaabaan wada hadalada si loo diyaariyo doorashooyin cusub, iyagoo rajeynaya in la xaliyo xiisad cusub oo ka dhalata khilaafka doorashooyinka.

Bayaan ay si aqlabiyad leh ku ansixiyeen, 15-ka wadan ee Golaha Amnigu waxay ka codsadeen Soomaalida inay “si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadalkooda oo ay u wada shaqeeyaan, iyagoo eegaya danaha dadka Soomaaliyeed.”

Bayaanka ayaa ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha in ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan qabanqaabada qabashada doorashooyin loo dhan yahay iyadoo la doonayo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto.

Dowlad Britain ayaa ku baaqday kulanka albaabada u xiran maalin kadib markii dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo dowladaha federaalka ay ka baaqdeen waqtigii loogu talagalay ee ahaa in lagu sii wado codeynta doorashada madaxweynaha xiga.

Isqabqabsiga dartiis, mucaaradka ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn awoodda madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed, taas oo sii murjineysa dhibaatada ka jirta qaran wajahaya kacdoono islaami ah oo rabshado wata, duulaan ayax ah iyo cunno yari ba’an.

Golaha Amnigu wuxuu kaloo cambaareeyay weerarada ka soo cusboonaaday kooxda Shabab waxayna mar kale xaqiijiyeen inay taageersan yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya – halkaasoo ay Somaliland kaga dhawaaqday madax-bannaanideeda dagaalkii 1991-kii.

Golaha Amniga ayaa mar kale kulmi doona 22-ka Febraayo si ay u cusbooneysiiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: