Xilliga uu ku soo beegmay shirka Jabbuuti iyo xaaladaha uu uga duwanyahay shirar hore (dhegayso)

HomeWararka

Xilliga uu ku soo beegmay shirka Jabbuuti iyo xaaladaha uu uga duwanyahay shirar hore (dhegayso)

Shalay oo Isniin ahayd magaalada Jabbuuti ee dalka Jamuuriyadda Jabbuuti waxaa ku soo gabagaboobay shir labo maalmood socday oo u dhaxeeyey dawladda f

In Ka Badan 10 Ruux oo Shuban-biyood Ugu Geeriyootey W/Gobolka Galgaduud (dhegayso)
FADLAN JOOJI JARJARKA XUBNAHA TARANKA GABDHAHEENA
Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo kulamo ka bilaabay Caabudwaaq

Shalay oo Isniin ahayd magaalada Jabbuuti ee dalka Jamuuriyadda Jabbuuti waxaa ku soo gabagaboobay shir labo maalmood socday oo u dhaxeeyey dawladda federaalka ah ee soomaaliya iyo maamulka Somaliland, shirkaasi oo daba-socday shirar ka horreeyey oo la xiriiray wada-hadallo soo jiitay oo sannado ka hor u soo biliwday dawladda dhexe ee federaalka iyo Somaliland, inkastoo aan marna lagu gaarin go’aamo wax badan ugu yaalla mawduuca la iskugu yimid ee sida uu u ekaanayo mustaqbalka Soomaaliya.

Marka laga tago dood iyo aragti jeedin labada dhinac ah ee shirku uu quseeyey ah, ayna jeediyeen maalinkii koowaad ee kulankooda is arag, ma jirin doorkanna tallaabooyin muuqda oo horay loo qaaday, kana duwan wadiiqooyinkii shirarkii hore, inkastoo la dhihi karo waxaa dhabbaha loo xaaray oo kaliya jawi wada-hadal ee dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Somaliland ah.

Meelaha ugu dhaw ee muujinta u ah, wuxuun ka silloonaan ah oo shirarkii hore ah waxay ahayd habka loo maamuusay, iyadoo ay ka qaybgaleen saddexda masuul ee ugu sarreeya dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/wasaaraha, halka dhinac Somaliland na ay shirka ka qaybgaleen madax sare oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Somaliland, wasiirka arrimaha dibedda iyo xubno kale.

Goob-joog ahaanna shirka waxaa uga qaybgalay madaxweynaha Jamhuuridda Jabbuuti oo isaga gogosha fidiyey, R/wasaaraha Itoobiya, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo wakiillo ka kala socday midawga Yurub iyo urur goboleedka IGAD, taasoo ah heer maamuuseed shirkaani uu uga duwanaa meelaha qaar shirar noociisa ah oo horay u dhexmaray dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Baldho, waa aqoonyahan si dhaw ula socday shirkaan Jabbuuti ku soo idlaaday iyo shirar kale oo ka horreeyeyba, waxaana wareysi uu siiyey Radio Daljir uga hadlayaa xilliga shirkaani ku soo aaday iyo arrimaha uu xambaarsanaa marka ay timaaddo natiijada ka soo baxday.

Hoos kaga bogo Waraysiga.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: