Galmudug oo la wareegtay Ciidamo iyo gaadid dagaal (Sawiro)

Galmudug oo la wareegtay Ciidamo iyo gaadid dagaal (Sawiro)

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayuu wasiirka amniga dawlad goboledka Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo sidoo kale ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Mudane Cabdisaabir Nuur Shuiriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer .

Masuuliyiinta ayaana ciidamada la xareeyay ku dhiiri galiyay in hada waxii ka dambeeyo ay u shaqeeyaan bulshadooda maadaama uu waajib ka saaranyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaan-karroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.

“Dhwaan waxaa xeradaan soo gaari doono ciidamo iyo gaiid ka iimanayo Galgaduud waxaana dhawaan aan sidoo kale fileynaa in Madaxweyne (Qoor-Qoor) uu tababar ufuri doono waxaana sidoo kale guud ahaan ciidamadaan aan ugu talagalnay sugida amniga iyo ka xureynta deegaanada fara ku turiska oo ay argagixisada ay kaga suganyihiin dhulka deegaanada Galmudug”Ayuu ku daray wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0