Xildhibaano Kulan Xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay maanta

HomeWararka

Xildhibaano Kulan Xasaasi ah Muqdisho ku yeeshay maanta

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,waxaa Isniinta Maanta ah ku shiray xildhibaano gaaraya ilaa 100 kuwaas oo la magac baxay gudiga badbaadad

Cali Yare Cali:” Farmaajo iyo Reer SSC looma kala warami Karro
Xasan sheekh oo gaaray kismaayo
Odoyaasha Guurtida Caabudwaaq oo kulan ka yeeshey dar-dar galinta bixinta lacagta Taakulo (Daawo)

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho,waxaa Isniinta Maanta ah ku shiray xildhibaano gaaraya ilaa 100 kuwaas oo la magac baxay gudiga badbaadada Baarlamaanka,waxana kulanka shir gudoomiyey ra’iisul Wasaare ku xigeenhii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib.

Kulanka ayaa waxa ay uga hadlayeen warkii qoraalka ahaa ee ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaah Shacabka kaas oo uu ku iclaamiyey in 31 maarso la qabto kulanka codka loogu qaadayo mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanadaan ayaa kulankooda waxa ay ka soo saareen baaq ka koobnaa dhowr qodob iyaga oo ku eedeeyey gudoomiye Cabduweli Ibarahim muudeey in uusan dhex dhexaad ka aheyn xaalada mooshinka,isla markaana uu la saftay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Gudoomiye Jawaari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: