HomeUncategorized

Xildhibaano kasoo horjeestey mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya (Dhegayso)

Kismaayo, May-2013, Mudanayaasha baarlamaanka federaalka qaarkood ayaa dhawaqa ku saabsan soo gudbinta mooshinka looga soo horseedo ciidamada AMISOM ee Kismaayo ka hawla waxaa ay ku tilmaameen mid ayaan darro ku ah baarlamaanka Soomaaliya.

Al-shabaab oo Weerar Culus ku qaadday xero Ciidan oo ay Leedahay Dowladda Somalia
(Dhagayso) Barnaamijkii Martisoor wariye_Axmed_Sh._Maxamed_(Tallman)
Ra’iisul wasaaraha Khayre oo xanibay khayraadka lagala boxo Bangiga.
Kismaayo, May-2013, Mudanayaasha baarlamaanka federaalka qaarkood ayaa dhawaqa ku saabsan soo gudbinta mooshinka looga soo horseedo ciidamada AMISOM ee Kismaayo ka hawla waxaa ay ku tilmaameen mid ayaan darro ku ah baarlamaanka Soomaaliya.
?
Xildhibaan Cabdi Bare Jibriil oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka mid ah xildhibaannada dhaleeceeyey arrinkaasi sida weynna uga soo horjeestey in mooshin laga keeno ciidamada Kenya ee kusugan magaaladda Kismaayo.
?
Wuxuu sheegay in Kenya ciidamadeedu kamid yihiin AMISOM hadii mooshin laga keenana uu saamayn doono ciidamada kale ee AMISOM.
?
?
Arrimaha is maandhaaf ee ka dhex oogan Jubbaland iyo dawladda federaalka ayaa soo unkay muddo sii horraysay kaddib markii la iclaamiyey qabashada shir dadka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ay uga tashanayaan aayahooda, kuna samaysanayaan dawlad-goboleed hoos yimaada dawlada dhexe.
?
Waxaana khilaafku uu cirka isku shareeray kaddib markii la doortay M/wqeynihii hoggaamin lahaa muddo saddex sano ah maamulka Jubbaland, kaasoo dawladduna dhismihiisa ay sharci darro ku tilmaantay.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: