Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Somaaliya oo ku baaqay in gurmad la garsiyo gobalka Gedo

HomeWararka

Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Somaaliya oo ku baaqay in gurmad la garsiyo gobalka Gedo

Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (Daawo|Sawiro)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casho Sharaf loogu sameeyay Cadaado

Wasiiro, xildhibaanno, aqoonyahanno, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa manta isugu yimid kulan gaar ah ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayeen xaaladda abaareed ee ku habsatay gobolka Gedo.

Masuuliyiintan ayaa baaq u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya, iyagoona ka codsaday in la gar gaaro shacabka reer Gedo oo muddooyinkii la soo dhaafay ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii iyo duunyadii ku dhaqnaa halkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal, ayaa ka dhawaajiyey in dadka daga Gobolka Gedo ay u baahan yihiin gar-gaar bani’aadannimo, maadaama ay soo food saartay xaalad aad u liidata.

“Waxa ugu horreeya ee loo bahaan yahay waxa ay tahay in dadkaan ay haysto abaarta foosha xun in lala gaaro biyo dhaamin si ay u noqoto dhiig joojin, waxaana sidoo kale baaq u dirayaa Jaaliyadda Soomaliyeed u ku dhaqan dalka dibaddiisa ee ka soo jeeda Gedo in gar-gaarkan ay qayb wayn ka qaataan” ayuu yiri wasiir Hilaal.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: